Git & GitHub

GitHub Workflow: Sida Project Dhab ah Loogu Shaqeeyo

GitHub Workflow waa hab nidaamsan oo ay isticmaalaan developers-ka xirfadlayaasha ah si ay u maareeyaan mashruucyo dhab ah. Ma aha kaliya in code la qoro, balse waa hab fikir iyo nidaam kuu sahlaya inaad si ammaan ah u horumariso project-kaaga, aadna ula shaqeyso dad kale adigoon isku dhex yaacin.

Maxaa Looga Baahan Yahay Workflow?

Mashruuc dhab ah ma aha hal file ama hal page. Waxaa jira isbeddelo badan, khaladaad la saxayo, iyo features cusub oo lagu darayo. GitHub Workflow wuxuu hubiyaa in isbeddel kasta la diiwaangeliyo, lana fahmo sababta loo sameeyay.

Talaabada 1: Repository Sameynta

Talaabada ugu horreysa waa in aad project-kaaga ka dhigto Git repository. Haddii uu project cusub yahay, waxaad isticmaashaa git init, haddii uu horay u jirayna waxaad isticmaashaa git clone. Tani waxay kuu oggolaaneysaa in Git uu bilaabo la socodka dhammaan isbeddelada.

Talaabada 2: Branches Isticmaal

Mashruuc dhab ah laguma shaqeeyo branch-ka main kaliya. Branch waa meel aad ku tijaabiso fikrad cusub adigoon khatar gelin code-ka ugu muhiimsan. Tusaale ahaan, feature cusub waxaad u samaynaysaa branch gaar ah ilaa aad hubto inuu si sax ah u shaqeynayo.

  • Main branch: Code-ka rasmi ah
  • Feature branch: Wax cusub
  • Fix branch: Khaladaad la saxayo

Talaabada 3: Commit & Push

Commit waa fariin taariikhi ah oo sharxeysa waxa aad beddeshay. Commit wanaagsan wuxuu leeyahay fariin kooban oo cad, taasoo qof kasta u fududeysa inuu fahmo waxa dhacay. Markaad commit sameyso kadib, waxaad u push-gareyneysaa GitHub si online ah.

Talaabada 4: Pull Request & Merge

Pull Request waa meesha lagu hubiyo code-ka. Waxaa lagu eegi karaa khaladaad, qaab dhismeed, iyo in uu la jaanqaadayo project-ka intiisa kale. Marka la oggolaado, code-ka ayaa lagu daraa branch-ka main.

GitHub Workflow wuxuu kaa dhigayaa developer nidaamsan, xirfad leh, isla markaana diyaar u ah shaqo dhab ah. Haddii aad rabto inaad shaqo hesho ama freelance noqoto, workflow-kan waa mid lama huraan ah.
La wadaag asxaabta: