about TechSomali

Hagaha ugu weyn ee tignoolajiyada, blogging-ka, iyo online income-ka ee bulshada Soomaaliyeed.

Hordhac & Hadaf

Maxay tahay TechSomali, sideese ku dhalatay?

Dunida maanta waxay u guurtay dhanka tignoolajiyada, laakiin nasiib darro, aqoon badan oo dhinacaan ah laguma helo Af-Soomaali dhammaystiran. **TechSomali** waxay u dhalatay inay buuxiso kaalintaas. Waxaan bilownay safarkayaga sanadkii 2026 annagoo hiigsanayna inay Soomaalidu qayb ka noqoto kacaanka digital-ka ee caalamka.

Ma ahan kaliya blog qoraalo lagu daabaco, ee waa madal loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay xirfado lacag looga sameeyo internet-ka u bartaan. Haddii aad tahay qof raba inuu bilaabo Blogging, Freelancing, ama Web Development, waxaad halkaan ka helaysaa hagaha saxda ah ee aad u baahantahay.

tech work

Aragtideena

Inaan noqono isha koowaad ee aqoonta tignoolajiyada casriga ah ee Af-Soomaaliga looga barto, anagoo soo saarayna kumanaan dhalinyaro ah oo xirfadlayaal digital ah ah.

ujeedkeena

Inaan bixino casharo tayo leh, oo ku salaysan waayo-aragnimo dhab ah, si loogu fududeeyo bulshada Soomaaliyeed isticmaalka internet-ka iyo ka faa'iidaysigiisa.

Mohamed Ahmed Ali

Founder & Developer

Mohamed Ahmed Ali

"Waxaan aaminsanahay in aqoontu ay tahay furaha kaliya ee isbeddel lagu keeni karo. Safarkayga dhanka Blogging-ka iyo Web Development-ka wuxuu bilaawday sanado ka hor, maantana waxaan rabaa inaan khibraddaas u adeegsado dhisidda jiilka cusub ee Tech-ka Soomaaliya."

Full Stack Developer SEO Expert Professional Blogger

© 2026 TechSomali – Made with ❤️ by Mohamed Ahmed Ali